Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Hoggaanka Maamulka Koonfur-Galbeed oo Goor-dhaw ka bilaabay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorasho_Baydabo_Somalia.jpg?resize=894%Baydhabo (PP) ─ Waxaa xarunta madaxtooyada ee mamulka Koonfur-galbeed ka billowday doorashada madaxweynaha maamulkaas oo ay ku tartamayaan illaa shan musharrax oo uu ka mid yahay musharraxa ay sida weyn u taageerayso Dowladda Somalia.

Xildhibaannada ayaa billaabay inay codadkooda dhiibtaan, waxaana ku sugan goobta ay doorashadu ka dhacayso xubno kormeerayaal ah oo ka socda dowladda dhexe ee Somaila, si ay ula socdaan sida ay doorashadu u dhacayso.

Musharraxiinta Hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed ku tartmaaya ayaa waxay kala yihiin;

  1. C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen]
  2. Aadan Maxamed Nuur [Saransoor]
  3. Xuseen Cusmaan Xuseen
  4. Ibraahim Macalin Nuunow
  5. Sayid Axmed Sheekh Daahir

Doorashadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan Baydhabo laga soo xiray Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharraxiinta la filayay inay maanta u tartamaan doorashada ka socota Baydhabo, wuxuuna ku xiran yahay magaalada Muqdisho.

Haddaba, kala soco natiijada doorashadan kasoo baxda shabakadda Puntland Post haddii ALLE ogolaado.

PUNTLAND POST

The post Doorashada Hoggaanka Maamulka Koonfur-Galbeed oo Goor-dhaw ka bilaabay Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this