Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacish oo baahisay Sawirada Dagaal ay la galeen Al Shabaab iyo Hubka ay ka qabsadeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeysay baahisay muuqaalka iyo sawiro muujinaya dagaal ay Al Shabaab kula galeen duleedka degmada Qandala ee gobolka Bari.

Daacish ayaa horaantii Todobaadkaan shaacisay in Dagaal ay la galeen Al Shabaab ay ku dileen 14 kamid ah askarta Al Shabaab, waxaana dagaalka uu ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Bari.

Ma jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ay kaga hadlayeen hadalka kooxda Daacish ee ah inay dagaal Al Shabaab kaga dileen dagaalyahano gaaraya 14 askari.

Labada Urur ayaa ku kala aragti duwan dhanka maamulka iyo aragtida, waxaana ay dhowr jeer oo hore ku dagaallameen meelo ka mid ah Gobollada Jubooyinka.

Ururka Daacish ayaa bil ka hor sheegay in uu dagaal aargudasho ah ku qaadayo Al-shabaab, haddii aysan joojin dilalka ay Al-shabaab u geysato xubnaha ka tirsan Daacish.

AKs-1024x575.png fighting1-1024x576.png fighting2-1024x576.png I2-696x392.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this