Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Baydhabo iyo Wafdi ka socdo Dowladda oo gaaray Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Iyadoo maanta magaalada Baydhabo ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ay magaaladaasi u dirtay wafdi ka kooban labada gole ee dowladda.

Wafdigan ayaa kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed.

Waxaa hogaaminayo wafdiga tagay magaalada Baydhabo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno kale.

Ujeedada wafdiga loogu diray magaalada Baydhabo ayaa ah inay  goobjoog ka noqdaan doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay oo Shan musharax ay ku tartamayaan.

Xubno ka socdo Caalamka ayaa sidoo kale goobjoog ka noqonaya doorashada maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxaa horey magaalada ugu sugnaa masuuliyiin xilal horey dalka kaga soo qabtay kuwaasi oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka qeyb galayay dhageysiga khudbadaha ay jeediyeen musharixiinta Tartameysa.

Waxaa aad loo hadal hayaa Musharax C/Casiis Lafta Gareen oo dowlada dhankeeda loo xaglinayo, waxaase la tartamaya musharixiin kale oo aan la dhayalsan karin.

Goobta Doorashada ka dhaceyso waxaa hadda ka socota qabanqaabadii ugu dambeysay, waxaana ku sugan goobta dhamaan musharixiinta Tarteysa oo kala ah.

1-Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen.
2-Siid Axmed sheekh Daahir
3-Xuseen Cusmaan Xuseen
4-Adan Maxamed Nuur Saransoor
5-Ibrahim Macalin Nuurow.

La soco daqiiqad walbaa Doorashada Koofur Galbeed

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this