Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawrro: Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Goordhow bilaabaneyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Goobta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed waxaa hadda gaaraya xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed iyo musharixiinta Tartameyso.

Qabanqaabadii ugu dambeysay ayaa socoto, waxaana la filayaa inay doorashada Koofur Galbeed saacadaha soo socdo ka bilaabato magaalada Baydhabo oo maanta ka duwan maalmihii hore.

Musharixiinta Tartameyso ayaa u muuqdo kuwo soo diyaar garoobay, maadaaa xalay aan laga seexan magaalada Baydhabo oo ay ka socotay xodxodashada xildhibaanada codeynaya.

Waxaa la sugayaa wafdiga dowladda iyo wakiilada caalamka inay gudaha u galaan goobta doorashada ay ka dhaceyso oo qaarkood la sheegay inay hadda ka maqan yihiin.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

4-45-624x430.jpg 48367587_2058839817541938_90678907375210 48373176_2058839767541943_75602025161980 48375189_2058839684208618_69578753620091 48378213_2058839727541947_77469874398555 48393824_981935501993006_473891425838379

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this