Deeq A. Posted December 19, 2018 Waxaa saaka la hardhay hoolka doorashada koonfur galbeed Soomaaliya halkaas oo laga wado inay ka dhaco doorasho muran badan dhalisay. Weriyaha Goobjoog News oo xarunta ku sugan ayaa sheegaya in ammaanka la adkeeyey, isla markaana ay xildhibaannadu bilaabeen inay goobta soo gaaraan. Murashaxiinta u tartamaya madaxtinnimada Koonfur galbeed waa: Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow, Cabdi Casis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Sayid Axmed Sheekh Daahir. Doorashada waxaa xoog looga reebay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaas oo taageero badan ku leh koonfur galbeed. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites