Deeq A. Posted December 19, 2018 (SLT-Dimishiq)-Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa maalintii Axadii ee la soo dhaafay booqasho lama filaan ah ku tagay Caasimadda Dimishiq ee Caasimadda dalka Suuriya, taasoo aheyd mid si aad ah warbaahinta Bariga Dhexe ay u hadal hayeen. Booqashadan ayaa la sheegay inay aheyd tii u horeysay oo Madaxweyne Carbeed uu ku tago Suuriya, tan iyo sanadkii 2011 oo dalkaas ka bilowdeen dagaalada iyo kacdoonada looga soo horjeedo xukunka Bashar Al Asad. Mas’uul ka tirsan dowladda Sudan ayaa sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu dib ugu soo laabtay Khartoum, kaddib booqasho muhiim ah uu ku tagay Dimishiq. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga, waxaana booqashada Cumar Xasan Al-Bashiir cambaareeyay Kooxaha Mucaaradka Sudan. Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa markii ugu dambeysay ee uu booqdo Suuriya waxay aheyd sanadkii 2008-dii, xilligaasoo Dimishiq lagu qabtay Shir Madaxeedka Carabta. Jaamacadda Carabta ayaa sanadkii 2011 ka saaray Suuriya xubinimada ururkaas, kaddib markii lagu eedeeyay Bashaar Al-Asad inuu cadaadis saaray dadka ka soo horjeeda nidaamkiisa. Source Share this post Link to post Share on other sites