Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Maanta Dhacaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Baydhabo)-Doorashada Koofur Galbeed ee muranka iyo xiisadaha siyaasadeed dhalisay ayaa maanta la filayaa inay dhacdo, iyadoo tan iyo xalay ay magaalada Baydhabo ka socotay diyaar garowga doorashada iyo olole xooggan oo ay wadeen Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Sida wararku sheegayaan ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanaya sugida amniga.

Ciidamada Itoobiya ayaa gebi ahaanba la wareegay ammaanka daafaha magaalada iyo afarta jiho ee laga soo galo, iyadoo shalay la arkayay ciidamada oo xerooyinka ka soo baxay oo dhex lugeynaya gudaha magaalada.

Magaalada Baydhabo ayaa saaka ku jirta jawi ka duwan sidii hore, xaafadaha iyo waddooyinka ayaa ciidamo ku sugan yihiin, iyadoo magaalada wax dhaqaaq ah ka jirin sida gaadiidka.

Ammaanka Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la soo sheegayo in illaa afar goobood oo baaritaan ah la dhigay halka loo aado Madaxtooyada.

Illaa shan musharax ayaa ku tartamata doorashada muranka badan ka taagan ee Koofur Galbeed, Musharaxa ugu cad cad ee dowladda taageereyso lana filayo inuu ku soo baxo doorashada waa C/casiis Lafta Gareen, sidoo kale Musharaxiinta kale ayaa kala ah Ibraahim Macalin Nuur, Aadan Saransoor, Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Amb. Sayid Axmed.

Mukhtaar Roobow oo horay loo siiyay shahaadada Musharaxnimo ayaa ka qeyb galeyn doorashada, maadaama todobaadkii hore dowladda Soomaaliya ka soo xirtay Baydhabo, lana keenay Muqdisho.

Inkastoo wax is bedeli karaan, hadana saadaasha iyo hadal heynta ka jirta Baydhabo ayaa ah in doorashada uu ku guuleysanayo C/casiis Lafta Gareen oo dowladdu ku bixiso dadaal badan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this