Sign in to follow this  
Deeq A.

Koongareeska Mareykanka Oo Ka Arrinsanaya Darbiga La Doonayo In Laga Dhiso Xadka Mareykanka Iyo Mexico

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Mudanayaasha Kongareeska Mareykanka ee kala matala xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ayaa isugu soo ururaya xarunta Coongareeska ee Capitol Hill.

Waxay ka hadli doonaan sidii ay xal uga gaari lahaayeen hanjabaadda uu madaxweyne Trump ku hanjabay inuu hakin doono holaha qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Federaalka dhamaadka todobaadkan.

Dowladda Federaalka ayaa albaabada u laabi doonto Jimcaha qaar ka mid ah hey’adaha haya howlaha laga maarmi karo, haddii koongareeska iyo Aqalka Cad ay ku heshiin waayaan kharajka biilasha ee muddada dheer ama muddada fog.

In ka badan 800,000 oo ka mid ah shaqaalaha dowladda federaalka ayaanan soo shaqa-tagi doonin ama ku shaqeyn doona gunno la’aan.

Madaxweyne Trump ayaa raba in Koongareeska uu u ogolaado 5 bilyan oo doollarka Mareykanka oo uu u rabo inuu ku fangareeyo darbiga uu ballan qaaday inuu ka dhisi doono xadka Mareykanka iyo Mexico.

Mudanayaasha Koongareeska ee labada xisbi ayaa isku mari la qorshaha madaxweynaha ee darbiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this