Deeq A. Posted December 19, 2018 Qaahira ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galaya shirka sanadlaha ah ee Ururka Jaamacadda Carabta uga furmay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha guud ee Ururkaasi Ahmed Aboul-Gheit. Xoghayaha guud ee Jamaacadda Carabta ayaa ballan qaaday in Ururku garab taagan yahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay kala shaqeyneyso dhinaca ammaanka. Shirkani uu socon doono muddo labo cisho ah ayaa la sheegay in wax yaabaha diirada lagu saari doono ay kamid tahay sidii Soomaaliya loo garab istaagi laahaa, loona caawin lahaa. Wasiirka Maalyada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa bogaadiyay dadaallada Jamaacadda Carabtu ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya. Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Ururka Jamacadda Carabta oo ah Urur ay ku mideysan yihin dalalka Carabta, islamarkana ka shaqeeya danahooda gaarka ah The post Jaamacadda Carabta Oo Soomaaliya ka taageereyso ammaanka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites