Deeq A. Posted December 19, 2018 Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Dawlada Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa iska casiley xilkii uu hayey ee wasiirka arimaha gudaha iyo Dawladaha hoose. Is-casilaadda Wasiir Timacadde ayaa kusoo aadaysa xili uu dhawaan si rasmiya u shaaciyey inuu yahay musharax u taagan Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland doorashada qorshaysan 08-Janaayo, 2019. Waa wasiirkii labaad ee katirsan xukuumadda Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqa inuu u sharaxan yahay jagadda madaxtweyne Ku-xigeenka, waxaa isaguna si lamida shaaciyey Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Axmed Cilmi Cismaan Karaash walow uusan isagu weli shaacin inuu iska casiley xilkii wasiirnimo ee uu hayey. PUNTLAND POST The post Wasiirka arimaha gudaha Puntland oo is-casiley appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites