Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog:Safiirka Mareykanka u jooga Somalia & Somaliland oo shaaciyey lacagtii ugu badneyd oo uu ku maal-gelinayo Somalia,Meeluhu ku bixin doono+Shaqooyin uu abuuri Doono

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog:Safiirka Mareykanka u jooga Somalia & Somaliland oo shaaciyey lacagtii ugu badneyd oo uu ku maal-gelinayo Somalia,Meeluhu ku bixin doono+Shaqooyin uu abuuri Doono

yam-300x158.jpg
Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaadhaya $900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya.

Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhanka, gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.

War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yidhi;

Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka Soomaaliyeed.

Shaqo abuurka

Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, iyagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah.

Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayay Mareykanku sheegeen in la horumarin doono  si shaqooyin badan loo u abuuro.

Geedi socodka dayn-cafinta

Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka dayn-cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin dhaqaale.

Waxbarashada

Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin.

Maamulka iyo Xasilinta dalka

$110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha garsoorka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this