Sign in to follow this  
Deeq A.

Qormadii 5aad ee Taxanaha Berbera oo Daaha ka feydaysa Hadimooyinka uu Maayar Cidin Berbera gaadhsiiyey & Sirro kale oo xasaasiya

Recommended Posts

Deeq A.   

 

BERBERI MA HIIL BAY U BAAHANTAHAY MISE HAMBALYO.?
(Qaybtii 5aad)
———————
Akhristeyaal Qormadannina waa qormo kale oo ka mid ah, qoraalkeenii taxanaha ee Iftiiminta daah ka faydida Hadimooyinka uu Maayar Cidin Berbera gaadhsiyey ka mid ah.
Qormadan waxaynu ku soo qaadanaynaa hantida lacageed ee uu lunsaday Maayar Cidin mudadii uu ilka maayarnimada berbera hayey, waa intii u dhaxaysay 2012 kii ilaa 2018 ka ee. Waxayna soo sheegnay in uu Maayar Cidin gaday oo iibiyey dhul gaadhaya, afarta jaho ee magaalada dhinac kasta 20KM2, marka waliba laga reebo dhulka bada ku dhereran ee loo yaqaano xeeliga (seashore) ka. Dhulkaa xeeliga oo uu iyada qiimo gaar ah iyo lacag culus oo aynu qiimaheeda soo sheegi doono ku gaday Balooggiiba.
Haddaba waxaynu ognahay oo aan qormadii tan ka horeysay kusoo xusay in qiimaha Halkii 1km2 yahay 71428.5714$. Haddaba si aynu u ogaano cadadka hantida uu Maayar Cidin, Duubka maayarnimada uu qaranka iyo muwaadiniinta reer berbera ba kaga musuqmaasuqay, bal aynu xisaabino oo qalinkeena ku xaqiijino si aynaan daliil kaleba ugu baahan, bal aynu ogaano sababta ujeedka ka dambeeya barnaamijyadan uu SOCIAL MEDIA-YAHA gashanaayo ee aynu “IIDHEHDA” u bixinay. Bal Ila arka oo ila xaqiiqsada siday runtu tahay ee xaalka Magaalada Berberi yahay.
Waxaan doonayaa inaan kashifo oo daaha ka faydo suuldaarooyinka maamul ee uu abuuray Maayar Cidin, ee haddana reer berbera uga dhigo inuu wax u taray oo uu waxqadka ku sheegto. Waxaan doonayaa inaad Ila ogaataan Daluunta uu Maayar Cidin, berbera ku riday dhinac walba haday tahay, Dhulkii, Hantidii dawlada, Maamulkii, milgahii iyo Sharaftii ay Berberi caanka ku ahaydba.
Haddaba aan usoo noqdo xagii xisaabtee, waxaynu soo saarnay halkii 1km2 qiimahiisa oo ah 71428.5714$. Haddaba bal aynu kolba jiho qiimaheeda soo saarno innagoo gadaal iskaga gayn doona, aan hor mariyo ee bari Waa 20Km2 Taas oo markaynu qiimaheenii isticmaalayno noqonaysa sidan, 20km2* 71428.5714$ = 1428571.43, bari (hal milyan, afar boqol, sideed iyo labaatan kun, shan boqol iyo kow iyo todobaan, iyo sadex iyo afartan filis).
Galbeedna intaas in leeg oo ah sidan,
20km2* 71428.5714$ = 1428571.43$, galbeed (hal milyan, afar boqol, sideed iyo labaatan kun, shan boqol iyo kow iyo todobaan, iyo sadex iyo afartan filis oo doolar).
Koonfur galbeed ama laamiga Hargeisa taga waa sidan,  71428.5714$*25km2= 1785714.28$ (Hal milyan iyo todoba, shan iyo sideetan kun, todoba boqol iyo afar iyo toban, iyo sideed iyo labaatan filis oo doolar).
Koonfur bari ama laamiga Burco taga, waa sidan,
71428.5714$*30km2=
2142857.14$ (labba milyan, boqol iyo labba iyo afartan kun, sideed boqol iyo todoba iyo konton, iyo afar iyo toban filis oo doolar).
ISKU GAYNTA GUUD.
1428571.43$ galbeed
1428571.43$ bari
1785714.28$ KG laamiga Hargeisa
2142857.14$ KB laamiga Burco
——- – ——————
6,785,714.42$ waa (lix milyan, todoba boqol, iyo shan iyo sideedan kun, todoba boqol iyo Afar iyo toban doolar, iyo labba iyo afartan filis).
FG.
Hadda lacagtani maaha cashuurtii manna aha waxaa loo yaqaano CASEYNTA oo marka aad meesha seesanayso la bixiyo, ee lacagtan waxaad bixinaysaa intaan sharciga lagu siin oo aan lagu tusin meesha ay noqonayso jagadaadu. Waana lacag kaash ah.
Akhristeyaal qoraalkeena kan xigi doona insha Allah, waxaynu ku eegi doonaa bal meesha ay sartu ka qudhuntay, waa dhulka loo yaqaano (SEASHORE) ama xeeliga bada oo uu Maayar Cidin, kasoo xereeyey miisaaniyad laxaad leh.
Waxayse iswaydiintu tahay; lacagtaasi berbera halkeebay ka gashay? Ma Laamiyada yaryar ee JPLG-ga laga dhisay?
Mise waxaa jira meelo kale oo lacagtaas Milaayiinka doolar ah lagu maal galiyey?
Su’aalahan iyo kuwo kaleba kaga bogo qoraalkeena kan xiga.
W/Q, EngAhmed  Muse Mohamed

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this