Deeq A. Posted December 19, 2018 Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee dowlad goboleedka K/galbeed. Doorashadan waxaa u taagan Shan musharrax, waxaana laga reebay musharrax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda ugu xiran magaalada Muqdisho. Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ay sugayaan amniga magaaladaasi. Waxaa hakad ku jira dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo kan gaadiidka ee magaalada Baydhabo, iyadoo doorashada ay bilaaban doonto saacado kadib. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites