Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Howlgallo Isbaaro Qaadis Ah Oo Ka Socda Duleedka B/weyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli waxa ay howlgallo ballaaran oo isbaarooyin lagu qaadayo ka wadaan deegaanno duleedka ka ah magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada waxa ay isku dhaceen maleeshiyaad ku sugnaa waddooyin soo gala magaaladaasi kuwaa oo dhibaato ku hayey shacabka ku safra halkaasi.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamada ay ku wajahan yihiin waddooyin badan oo Isbaarooyin dhigtaan maleeshiyaadkan.

Shacabka magaalada B/weyne ayaa soo dhoweeyey arrintaan, gaar ahaan dadka ku safra waddooyinkan, iyadoo dhanka kale saraakiisha ammaanka ay sheegeen in howlgallada ay sii wada doonaan inta amniga wax laga bedalayo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/warka-hiiraan-jidgooyo-1.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this