Deeq A. Posted December 19, 2018 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa saacada soo socda si toos ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay uga bilaaban doonto doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Doorashada oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamaya illaa 5 Musharrax oo danaynaya qabashada xilkaasi. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan si habsami leh uga socota gudaha magaaladaasi. Dhinaca kale waxaa si aad ah loo akeeyay ammaanka Baydhabo, iyadoona saaka Ciidamo fara badan lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ay xireen qaar ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee Baydhabo iyo sidoo kale koontaroolada laga soo galo magaaladaasi. Wariye Madax banaan oo ku sugan gudaha magaalada Baydhabo ayaa Shabelle uga warramay arrimaha doorashadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Wareysi-Maxamed-Nuur-.mp3 The post Doorashada K/ Galbeed Oo maanta ka dhacaysa Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites