Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo sarkaal ka tirsanaa Ciidanka DFS ku toogtay Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Al Shabab ayaa lagu sheegay in sarkaal ka tirsanaa Ciidamada DFS ay ku toogteen deegaanka Galboole ee gobolka Sh/ Dhexe.

Magaca sarkaalkaasi ayaa Warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab waxa ay ku sheegtay  Maxamed Cali Maxamed oo ku magac dheeraa Kartoon.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in sarkaalka ay dileen uu la shaqeynayay Ciidamada ,Midowga Africa ee AMISOM, sida ay hadalka u dhigeen.

Al Shabaab ma aysan soo bandhigin cadeymo muujinaya dilka sarkaalkaasi, mana jirto illaa iyo hadda ilo madax banaan oo xaqiijin kara dilkaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa xukuno u badan dil toogasho ah ka fuliya deegaanada ay ka arrimiyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Al Shabaab Oo sarkaal ka tirsanaa Ciidanka DFS ku toogtay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this