Sign in to follow this  
Deeq A.

CC SHAKUUR oo dalbaday in warbixin loogu gudbiyo hay’ada FBI-da Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa taageerayaashiisa Mareykanka ku nool ka codsaday inay hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da u gudbiyaan warbixin ku saabsan weerarkii lagu qaaday hoygiisa 17-kii December 2017.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan uga faa’iideystay jawaab uu ka bixiyey qoraal ay FBI-da soo dhigaty barteeda twitter-ka, 10-kii bishan December.

Qoraalka FBI-da ayaa u dhignaa sidan: FBI-da waxay raadineysaa qof kasta oo ku nool Mareykanka oo wax ka og xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo dalka dibeddiisa ka dhacay. Haddii aad hayso wax akhbaar ah oo ku saabsan dad gaystay xasuuq, dambiyo dagaal iyo ama dil-wadareed, fadlan noo soo gudbi adiga oo la xiriiraya xafiiska FBI-da ama safaarad ama qunsuliyad Mareykan ah.

bbbb.pngMarkaas kadib ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu dib qoraalkaas usoo dhigay bartiisa twitter, isaga oo raaciyey codsi u dhignaa sidan: Kuwa jooga Mareykanka, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga Wadajir, fadlan u dhaqaaqi arrintan oo ka warbixiya weerarkii 17-ka December.

aaa.pngCabdiraxmaan Cabdishakuur ma sheegin cid uu doonayo in si gaar ah warbixintooda loogu gudbiyo FBI-da, hase yeeshee xubno badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa haysta dhalashada Mareykanka, waxaana ka mid ah madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this