Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay magaalada Baydhabo iyo Qabanqaabada Doorashada oo socoto

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ayaa ka socdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana la filayaa in saacado kadib halkaasi ay ka bilaabato doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Amaanka magaalada waxaa aad u adkeeyay ciidamada booliska Koofur Galbeed iyo ciidamada meletariga Dowladda Ethiopia oo kusugan magaalada Baydhabo, si looga hortago amni daro ka dhacdo magaalada.

Ilaa Shan musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed kuwaasi oo horey u jeediyay khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadkooda marka loo doorto xilka madaxweynaha.

Goobta Doorashada ay ka dhaceyso ayaa waxaa ku sugan ciidamo si gaar ah u xaqiijinaya amaanka, iyadoo laga baqayo inay dhacaan carqalado saameyn kara doorashada Koofur Galbeed.

Ilaa xalay waxaa socday kala xodxodashada xildhibaanada baarlamaanka ee maanta dhiibanaya codadkooda, waxaana la saadaalin karin sida doorashada ay noqon karto.

Caasimada Online ayaa daqiiqad walbaa idinla socodsiin doonta natiijada doorashada iyo sida ay wax u socdaan Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this