Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaro Duqeeyay Goobo Puntland Ka Tirsan Oo Ay Ku Suganyihiin Kooxaha DAACISH Iyo Al-shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Puntland)Diyaarado dagaal ayaa lagu soo warimayaa in ay duqemo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Buurahaha Gobalka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

AF488DB7-3FC5-4464-BE7E-82B6CB9F46A7.jpe

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacay deegaanka Miraalle oo 28km dhanka bari kaga beegan Magaalada Boosaso ee Gobalka Bari waxaana la tilmaamay in howlgal ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada PSF ee maamulka Puntland.

Saraakiil ka tirsan Maamulka puntland ayaa sheegay in duqeyn ay ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri, islamarkaana la bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Duqeynta ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan deegaanka Miraalle oo 28vkm dhanka bari kaga beegan Magaalada Boosaso ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana la sheegay inuu khasaaro ka dhashay duqeyntaasi.

Inta ogyahay 8 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku geeryooday,kadib duqeyn ka dhacay deegaanka Miraalle, iyadoona halkaasi dhawaan ay dagaal kula galeen daacish, islamarkaana ay shabaab la wareegeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this