Deeq A. Posted December 18, 2018 Xalay waxa ka qabsoomay qasriga looga arimiyo qaranka ee madaxtooyada kulan muhiim ahaa bulshaduna ku diirsatay , yididiilo iyo rajana ku abuuray shacabka Somaliland kaas oo dhex maray hogaamiyaasha xusbiyada mucaaradka ah , madaxweynaha iyo xubno kale oo miisaan ku leh qaranka. Tan iyo markii madaxweynhu ka soo laabtay safarkii goballada bariga waxa la moodaa in ay waxbadan u bildhaameen , garawsadayna in uu yahay odeyga mindida daabkeeda haya gudoomiye xusbi aanu ahayn waxa muuqata in madaxweynuha nabar ku taagan ay tahay di-udhac ku yimaada qabsoomida doorashooyinka xilligii loo asteeyey ay dhaafaan. Mudanayaal waad ku mahadsantihiin tanasulka aad abuurteen iyo jawiga degan aad isku af garateen in looga hadlo sidii loo qorshayn lahaa in la gaadho xalka doorashada hor taagan intaa kadib. Garri allay taqaan haddii milil dushiisa la dhayo eelka lama gaadho hore waxa loogu tiraabay “cudurka kaa gala fardaha haddii dameer laga gubo dawada lama gaadhayo ” waxba soo kordhin mayso sawiro la isla galo iyo habeen goob lagu cunteeyo iyada oo aan uurka la iska laab xaadhan , kulanadii hore ee faashilka ku danbeeyey waxba dhaami maayo haddii aan daneeyaasha doorashadu ka go’nasnsho la iman talladaan la rog-rogin waa lagu rafaadaa. Maxaa la gudboon madaxweynaha qaranka.? In uu la yimaado rabbitaanka ka badan ka asxaabta mucaaradka ah , xilna iska saaro in aan maalin dhaafin wakhtiga la isla gartay. In uu u dhug yeesho tabashada asxaabta qaranka jeedinayaan dibna uugu noqon hadaladii xanafta lahaa ee uu hore u jeedin jiray biyo dhacooduna ahaa “Waddani max kamad ha tago iyo wax la mid ah. In uu dib uuga laabto go’aankiisii ku aadanaa koomishanka doorashooyinka xubnihiisa , wax ka beddalna lagu sameeyo. In uu guddi u saaro ka tala bixisa saami qaybsiga gobalada ee kuraasta wakiilada. In uu diyaariyo qarashka ku baxaaya doorashada. In uu dabada ka riixo sidii loo diyaarin lahaa xeerka doorashooyinka qaranka. In uu il gacal ku eego hogaamiyaasha asxasbta albaabadana u furo una arko gacantiisa midig. Maxaa la gudboon asxaabta mucaaridka ah. In ay garwaaqsadaan ijiid aan ku jiido in ay tahay gamco daalis kana tanaasulaan waxyaabaha la isku mari la yahay xalna keenaan. In ay ku dedaalaan xaggooda in arimaha ka fudaydiyaan. In ay u tudhaan shacabkooda dheg xumadana ka daayaan iyo yoo yootanka. In ay la yimaadaan mucaarad wax dhisaysa oo ay ka fogaadaan ku jiq siida Shacab , xukuumad iyo asxaab waxa innagu ceeb iyo laf jab ah in aynu maalin kasta ku jiro is qabsi iyo buuq waxa haboon in aynu gamcaha is qabsano ul iyo diirkeed noqono wada jir aan u dhisno qarankeena curdinka ah. Doorashadu waa isha kaliya ee aan dunnida ka iibno dhaawac bay inagu tahay in aynu tahli weyno in aynu qaban kari weyno doorashada golaha wakiilada oo muddo dhaaf ah. Tusan iyo tub kheyr leh Qalinkii : Maxamed Xuseen Jaamac Source Share this post Link to post Share on other sites