Deeq A. Posted December 18, 2018 Dhawr arrimood oo ku saabsan abwaan Hadraawi iyo hankiisa ka’ sarreeya adduunyo-jacaylka (Xubbu-Dunyaa). Farriin uu ii soo diray qof aad u naxariis badani ayaa ahayd; waxa aan ka baqayaa in Hadraawi-na dhexdeena silic ugu dhinto sidii hebel iyo hebel iyo heblaayo! Qofkaa qalbiga fiicani waxa uu ii tiriyey afar fannaan oo beryo dhawayd gaajo iyo macaluul ugu dhintay Hargeisa iyo Muqdisho, kaddib markii laga soo jawaabi waayey baryadoodii iyo baahidoodii. Haddaba taas baa igu dhalisay in aan xusuusiyo in Hadraawi aanu welgii cid wax weydiisan, baahina aanu arag, lacagtuna aanay u ahayn wuxu u nool yahay. Haddaba dhawr tusaale baan halkan ku soo gudbinayaa: Tusaalaha 1aad: Markii 10kii April 1978kii laga soo daayey xabsiga Qansax-Dheere ee gobolka Baay oo uu ku xidhnaa illaa 1973kii ayaa habeenkii markii Xamar la keenay waxa baabuur u soo diray Madaxweynihii xabsiga u diray ee Maxamed Siyaad; waxa uu ku yidhi Hadraawi waxa aad ahayd waddani lagu khaldamay, haddana wixii dhacay waa dheceen oo lama soo celin karo ee hadda maxaan kuu qabtaa? Wax Alla waxa aad doonayso sheego; bal waxa aad sawirataa iyada oo Madaxweyne aad u awood badan oo wax-walba gacanta ku hayaa ku yidhaahdo wax Alla waxa aad doonayso sheego; xil, xoolo, xurmo, guryo, darajo, iyo lacag-ba! Hadraawi waxa uu ku jawaabay hadal taariikhda galay oo ah; wax kale kaagama baahni ee 2 maalmood oo keli ah waxaad i amaanaysiisaa baabuur iyo darawal. Intaas uun baan maanta kaaga baahanahay. Maxaad ku fali baabuurka iyo darawalka ayuu Hadraawi weydiiyey Maxamed Siyaad. Qansax-Dheere baan ku tegeyaa, aniga oo aan soo macasalaamayn dadkii aanu muddada badan wada noolayn baa degdeg la’ iiga soo kexeeyey, waxa aan rabaa in aan reer Qansax-Dheere soo macasalaameeyo una soo mahadceliyo. Sidii baa lagu siiyey baabuur iyo darawal uu ku soo celiyey laba maalmood. Mar uu arrintaas lafteeda ka hadlayey waa kii lahaa: Tolo darajo lay yidhi Deni noqona lay yidhi Diiday baanse ka xigsaday Nafta haw darraanoo Ha istaagin daaftee Dusha soo kor lay yidhi Dibad baanse ka xigsaday Waxad adigu doontiyo Dantaa sheego lay yidhi Danyar baanse ka xigsaday! Tusaalaha 2aad: Dhacdada labaad waxa ay ka dhacday London; Nin ka mid ah taageerayaasha faraha badan ee Abwaan Hadraawi baa ka yimid Kuwait. Ninkaasi waa markii koowaad ee uu la kulmayo abwaanka oo ahaa halbeeggiisii nolosha, markaa waxa uu Kuwait uga soo qaaday hadyaddii ugu qaalisanayd, waa saacad Rolex ah oo dahab lagu dheehay. Runtii hadda qiimahadeedii ma garanayo laakiin Saacadaha noocaas ahi aad bay qaali u yihiin 20,000 illaa 100,000 oo Dollar bay gaadhaan. Ninkii oo aad u faraxsan baa hadyaddii guddoonsiiyey Hadraawi oo jooga gurigiisii London. Markii uu furay ee uu arkay in ay tahay Rolex dahab lagu dheehay ayuu u mahadceliyey ninkii u keenay, waxaanu isu dhaafiyey oo guddoonsiiyey saacaddii ninkii la fadhiyey. Nin meesha joogay wuxu ii sheegay ninkii haddiyadda keenay waxa uu igu yidhi Walaahi marbaan is idhi ninkii uu siiyey bannaanka ma isu taagtaa oo ma ka qaaddaa?! (Qofka Maanta sidaas Hadraawi samayn lahaa waakeem) Tusaalaha 3aad: Hadraawi waxa uu Yurub gaadhay sanadkii 1990 gaar ahaan Norway , illaa haddana waxa uu tegeyey dal kasta oo deganaansho laga qaato, sannado dhawr ah waxa uu ku noolaa Ingiriiska oo marba fiisaha dalku-galka loo cusboonaysiinayey, Maraykan, Canada, Yurubtan Galbeed, Scandinavian ka meel walba wuu tegey, wuxu dhaar ku maray in aanu qaxoonti magan-gelyo doon ah marna noqon oo been sheegin oo odhan dalkaygii kuma noqon karo ee meel i dejiya! Sifahani waa ka lagu yaqaano dadka dalkooda iyo dadkooda jecel ee la yidhaahdo (true patriots) ka. Mar uu arrintaas ka hadlayeyna waa kii lahaa; Paris adoon-tegin Ama Bonn ka sheekeyn Barashada dhulkaagaa Horta laga bogtaayoo Beryo laysku hawlaa Dhulku baaxad sooriyo, Bannaan miidhan weeyaan, Ama waa bus iyo oon, ninka Buug ku haystow, Beentaada weeyaan, Balcad, Jowhar, Shalaanbood, Barakada Qoryooley, Waxa canab bislaadee, Baydhabo u gaartahay, Boosaaso iyo Beer, Bixin-duule Laaleys, Beeraha Wajaalee lagu reebo Baahida, Indhihii Basaasow Boorama ma’Aragteen Tusaalaha 4aad: Hadraawi ayaa guursaday 1998, arooskiisii Burco ayuu ka dhacay, kharash badanina wuu ku baxay, waxa lagu sheegaa arooskaas aroos-dhaqameedkii ugu ballaadhnaa ee la xasuusto, wuxu ahaa aroos illaa hadda laga Sheekeeyo; Madaxweynihii xiligaas ee Somaliland, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ayaa dareemay in Hadraawi mudan yahay in laga caawiyo kharashka arooska. $20,000 oo Dollar oo xiligaas joogay ayuu ugu soo dhiibay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xiligaas ahaa Wasiirkiisii Maaliyadda. Siilaanyo ayaa soo qaaday lacagtii oo Burco ugu keenay Abwaan Hadraawi una sheegay in ay tahay sooryo ka timi Madaxweyne Cigaal. Markii waagii beryey buu lacagtii oo aanu furfurin Hadraawi qaaday oo badhna maamulka Cusbataalka Burco siiyey qaybtii kalena beelaha la’ hayb sooco oo uu aad ugu doodo u qaybiyey. Siilaanyo wuu yaqaanay dabeecadda Hadraawi oo lamuu yaabin ee wasiiro la socday baa ka xanaaqay oo weydiiyey sababta, wuxu ku yidhi hadal cajiib ah oo ahaa: Waa xoolahoodii, iyagaana igaga xaq leh. Mar la weydiiyey damaciisa shakhsiga ah ee xilka iyo xoolaha waa kii lahaa; Kursi doonistiisa iyo duunyo jacaylku dhibta uu leeyahay, qolada raadisa dhibta haysata dushooda ka eeg. Derejooy wid lagu yidhi Wid widaanwid lagu yidhi Wallahaana kugu raran Hantiyayna kuma waco Waligayna kuma sugo. Woohowna Kkuma dhaho. Wed haddaanad celinayn. Nin ku sheegtay waarayn Maxaan kuu warsanayaa? Zuhdiga ama saahidaada noocan ahi waa dabeecadihii ay qarnigan ku caan-bexeen, Mahatma Gandhi gii India Vaclav Havel kii Czechoslovakia (Czech) Nelson Mandela hii South Africa laakiin iyaga oo dhacdooyinkoodii waa la xusay oo la’ weyneeyey oo la’ baahiyey halka kuwa Hadraawi maanta ka hor aanad maqal. Hadraawi hadda wuu fiican yahay, mana aha’ dadka balwadaha leh, 5ta salaadoodna badankooda Jamaca buu ku tukadaa, in badana Jaamacadda Burco ayuu odayaasheeda kamid ahaa, xanuunka hadda hayaana waa Maskax-daal (dementia) ee maaha xanuun jidheed, gaajo iyo silicna Ilaahay waa ka ilaaliyey, hantida keli ah ee uu Hadraawi dhaqdayna waxa ay ahayd dadkiisa, tusaale ahaan Hadraawi wuxu saaxiib aad u dhow la yahay: Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiir Yuusuf Garaad, qoraa Radhiid Gadhweyne, Ganacsade Abdirashid Dahabshiil, Qoraa Maxamed Daahir Afrax iyo haldoor Soomaali ah oo aad iyo aad u fara-badan. Sawirada: Sawirka koowaad waxa xuquuqdiisa leh Mary Harper oo ka tirsan BBC oo sii deysay barnaamij ay u bixisay Hadraawi: Shakisbiirkii Soomaalida (Shakespeare waa abwaankii ugu qanisanaa luqadda English ka) Sawirka labaadna waa poster(jaantus) ku yaalla ama lagu dadbay hoolka diyaaradaha lagu sugo ee Madaarka Muqdisho (Adan Abdulle Airport) waana maansadiisii Hablaha Geeska Afrika. WQ: Cismaan Abokor Dubbe Source Share this post Link to post Share on other sites