Deeq A. Posted December 18, 2018 Garoowe ( Sh. M. Network )-C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland oo uu haatan waqtiga ka sii dhamaanayo ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax markale u taagan qabashada hoggaanka sare ee maamulkaasi. Madaxweyne Gaas ayaa munaasabad lagu qabtay Garoowe ku soo bandhigay waxqabadkiisa ,waxaana uu xusay in uu wax badan ka qabtay Puntland. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay inay weli u harsan yihiin dhameystirka Mashaariicyo muhiim ah, islamarkaana uu codsanayo in mar kale loo doorto maamulkaasi. C/weli Maxamed Cali Gaas waxaa Madaxweynaha Puntland loo doortay 8 January ee Sanadkii 2014 -kii, waxaana xilka uu hayay muddo dhan 5 sano ah. Ku dhawaad 40 Musharrax oo ay ku jiraan kuwa horay xilal uga soo qabtay DFS iyo Puntland ayaa u sharraxan Hoggaanka maamulkaasi. The post MD Gaas Oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites