Sign in to follow this  
Deeq A.

MD Gaas Oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland oo uu haatan waqtiga ka sii dhamaanayo ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax markale u taagan qabashada hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa munaasabad lagu qabtay Garoowe ku soo bandhigay waxqabadkiisa ,waxaana uu xusay in uu wax badan ka qabtay Puntland.

Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay inay weli u harsan yihiin dhameystirka Mashaariicyo muhiim ah, islamarkaana uu codsanayo in mar kale loo doorto maamulkaasi.

C/weli Maxamed Cali Gaas waxaa Madaxweynaha Puntland loo doortay 8 January ee Sanadkii 2014 -kii, waxaana xilka uu hayay muddo dhan 5 sano ah.

Ku dhawaad 40 Musharrax oo ay ku jiraan kuwa horay xilal uga soo qabtay DFS iyo Puntland ayaa u sharraxan Hoggaanka maamulkaasi.

The post MD Gaas Oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this