Deeq A. Posted December 18, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Sadiiq Warfaa xoghayaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka oo la hadlay Shabelle ayaa soo dhaweeyay kulanka ay wada qaateen guddoomiyaha BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo R/wasaare Xasan Cali Kheyre. Ugu horreyn Xildhibaan Warfaa ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay kulanka labada mas’uul, oo uu xusay in ay muhiim tahay in laga wada hadlo xaaladda dalka. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay guddoonka Golaha Shacabka in uu dib u bilaabo kulamadii Baarlamaanka, si loo dardar galiyo howlaha shaqo ee Golahaasi. Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa hoosta ka xariiqay in khilaafkan uu sameyn ku yeeshay howlihii u yaallay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli ay socdaan dadaallo lagu xalinayo khilaafka madaxda DFS, kaas oo ka dhashay Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo. The post Warfaa Oo soo dhaweeyay kulankii Kheyre iyo Mursal appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites