Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn xoogan Oo ka dhacday gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn khasaaro geysatay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacday gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Miraale oo qiyaastii 28 KM dhinaca bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi.

Warar qaar ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Dagaalyahannada Al Shabaab.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeyntaasi ku dhintay illaa 8 xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Illaa iyo haatan lama oga halka laga leeyahay diyaaradaha dagaal ee duqeynta ka fuliyay halkaasi.

Deegaanka ay duqeyntu ka dhacday ayaa waxaa dhawaan ku dagaalamay Al Shabaab iyo kooxda Daacish oo ku xoggan dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari.

Inta badan Mareykanka ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliya gudaha Soomaaliya, waxaana duqeyntii u dambeysay ay ka dhacday gobolka Shabeela Hoose.

The post Duqeyn xoogan Oo ka dhacday gobolka Bari appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this