Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Aqalka Sare Oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Azerbaijan

Recommended Posts

Deeq A.   

Baku ( Sh. M. Network )-Waxaa lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan shirka 5aad ee Xildhibaanadda Adduunka (Fifth Global Conference of Young Parliamenterians).

Shirkan waxaa si wadajir ah u soo Qaban qaban qaabiyay Midowga Baarlamaanka Adduunka (IPU) iyo Baarlamaanka dalka Azerbaijan.

Waxaana diiradda lagu saaray arrimaha dhalinyarada dunida, caqabadaha hasyta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga dhalinyarada ee Baarlamaanada dunida.

Boqolkiiba labo (2%) kaliya ayaa lagu qiyaasaa hadda dhinyarada xildhibaanada ee baarlamaanada kala duwan ee  dunida.

Sidoo kale qodobada looga hadlay waxaa ka mid ahaa dowlad wanaagga ,isbaddalka Cimilada Adduunka (Climate Change) iyo doorka dhalinta.

Senator Hodan Osman iyo Senator Saciid oo ka socday Aqalka Sare ee dalka ayaa ku matalay BFS shirkan oo muddo labo maalin ka socday dalka Azerbaijan.

The post Xubno ka tirsan Aqalka Sare Oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Azerbaijan appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this