Deeq A. Posted December 18, 2018 Hargeysa ( Sh. M. Neywork )-Dowladda Itoobiya ayaa u magacawday maamulka Somaliland Qunsul cusub, kadib markii dhawaan la bedalay Qunsulkii hore . Qunsulka cusub ee Itoobiya u magacowday S/land ayaa lagu magacaabaa Shamsudiin Axmed Rooble, waana nin Soomaali Itoobiyaan ah oo xilal ka soo qabtay dalkaasi. Shamsudiin, waxa uu soo ahaan jiray Danjiraha Itoobiya ee Kenya & Jabuuti, sidoo kale waxa uu soo noqday Wasiir ku xigeen iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Itoobiya. Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli isbedal cusub oo wada shaqeyn ah uu ka curtay dalalka Geeska Africa, kaas oo ay hor boodayso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Itoobiya Oo Qunsul cusub U magacawday Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites