Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad khasaare geystay Oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad khasaare geystay oo maanta ka dhacay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan.

Iska hor imaadka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaana uu yimid dagaalkan, kadib markii Ciidamadasi oo abaabulan qaab Qabiil ay isku qabteen arrimo la xariira Dhul ku yaalla halkaasi.

Ugu yaraan illaa 2 Askari ayaa ku dhintay israsaaseyntaasi, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida ay ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Hodan oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Inta badan Ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha Caasimadda, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

The post Iska hor imaad khasaare geystay Oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this