Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo lagu duqeeyay gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan lix ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday degaanka Miiraale oo dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Qandala ee gobolka Bari.

Malayshiyaadka la duqeeyay oo ka soo degay dhanka buuraha Cal-miskaat ayaa laba maalmood ka hor halkaasi kula dagaallamay koox kale oo ka tirsan Daacish,sida laga soo xigtay dadka degaanka,inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Wararku waxay sheegayana in duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha Drones-ka Maraykanka  lala kaashaday ciidamada Puntland ee PSF,kuwaasoo weerar dhulka ah ku qaaday goobta la duqeeyay,islamarkaana Al-shabaab ka saaray toggaasi oo ay xarun ciidan ka samaysanayeen.

Kooxda Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Cal-miskaat ayaa qaar kamid ah malayshiyaadkooda u wareejiyay degaannada dhanka koonfur galbeed kaga beegan degmada Qandala,taasi oo sida la aaminsanyahay  abuurtay loollan adag oo ka dhex qarxay Al-shabaabta iyo Daacishta ku wada-sugan gobolka Bari.

Bilowgii todobaadkan, Daacish ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay dishay 14 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab,kadib dagaal ku dhexmaray degaanka Miiraale oo kooxda Al-shabaab ay malayshiyaad geysay,si ay weerar ugu qaadan Daacish.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo lagu duqeeyay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this