Duufaan Posted December 18, 2018 https://goobjoog.com/dfs-oo-dalka-ka-mamnuucday-hayadda-sahan-research/ Xog-culcus+Khabiir Afsomaliga ku hadlaa oo ka shaqeysta Somalia/Somaliland Muddo 4o-sano ku dhawaada,Maxaa u fudueeyay+Maxay ku sanifay Faroole & Sh.Shariif+Maxay Xukumada Farmaajo ugu diiday inuu Muqdisho+arimo kale oo xasaasiya? Writen by Qaran News | 1:40 pm 18th Dec, 2018 Xog-culcus+Khabiir Afsomaliga ku hadlaa oo ka shaqeysta Somalia/Somaliland Muddo 4o-sano ku dhawaada,Maxaa u fudueeyay+Maxay ku sanifay Faroole & Sh.Shariif+Maxay Xukumada Farmaajo ugu diiday inuu Muqdisho+arimo kale oo xasaasiya? Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay shaqada kaga joojisay hay’adda cilmi-baadhista Sahan Research oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi, xafiis-yana ku leh Muqdisho, Hargeysa iyo UK. Qoraalkan kuma saabsana eedeymaha loo jeediyey run iyo been waxay tahay midna,Balse kaliya waxaan uga hadli doonaa cidda iska leh Sahan Research iyo waxyaabihii uu horey uga shaqeyn jiray. HAY’ADDA SAHAN RESEARCH Sahan Research waxaa la aas aasay 2013. Waxay ahayd qiyaastii sannad uun kaddib markii Matthew Bryden oo ah aas aasaha Sahan Research uu ka fadhiistay shaqadiisii Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (UN Somalia and Eritrea Monitoring Group). Sida ku qoran mareegta internetka ee hay’adda Sahan, waxay shaqadeeda xoogga ku saartaa waddamada Bariga Afrika, Geeska iyo Bariga Dhexe halkaasoo kooxoo khibrad-layaal ah ay uga hawlgalaan. Waxay hay’adda cilmi-baadhis ku sameysaa kana faallo-bixisaa arrimaha siyaasadda, amniga, nabad-dhisidda iyo habka maamulka dowladda. Waxay kaloo wax ka qortaa arrimaha bani’aadanimmada iyo barakaca oo ay hay’ado caalami ah mashaariic kaga qaadato. YAA ISKA LEH SAHAN RESEARCH? Matthew Bryden ama Matt Bryden waa agaasimaha fulinta Sahan Research. Waa 51 jir u dhashay Canada. Waxaa la sheegaa in markii uu ka tirsanaa Ciidamada Keydka Canada uu fasax ku yimid Afrika 1987, markaasna uu jeeclaaday inuu ka shaqeeyo mashaariicda Afrika. Sannadkii ku xigay ayuuna ka shaqo billaabay hay’adda CARE oo uu uga shaqeeyay magaalada Berbera. Wuxuu kaloo dhowr sannadood la taliye gaar u ahaa Danjirihii Canada u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya. Qeybta ugu xiisaha badan ee Bryden ayaa ah muddadii uu madaxda ka ahaa kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea. Dad badan uma baahna in loo sheego shaqada UN Monitoring Group. Sannadkii 2008 ayaa Matthew Bryden loo magacaabay Xiriiriyaha Kooxda Monitoring Group. Isla sannadkaasi waxay ahayd xilligii kooxaha burcad badeedka ay ka keceen xeebaha Soomaaliya, waxayna Kooxda Monitoring Group wax ka qoreysay macaashka siyaasiyiinta Soomaalida ka heli jireen dhaqaalaha ka soo baxa afduubka maraakiibta iyo shaqaalaha ajnabiga. 2010- 2012 Warbixintii kooxda UN Monitoring Group ee uu hoggaaminayey Bryden ee soo baxday 2010 waxay kooxdu ku sheegtay in Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (hadda senator ka tirsan Aqalka Sare) uu lacag mushahar ah ka qaadan jiray budhcad badeeddii degganeyd Eyl. Badhtamihii sannadkaasi Madaxweyne Faroole si adag ayuu u beeniyay eedeynta budhcad badeeda ee loo soo jeediyay. Sannadkii 2012 warbixin kale oo kooxdu soo saartay ayaa ku eedeysay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed musuqmaasuq xad dhaafay. Taasi waxay keentay in Dowladdii Ku-meel gaarka ee Shariif Sheekh Axmed ka soo saarto qoraal jawaab u ahaa eedeynta kooxda kuna tilmaantay Bryden “shakhsi kasoo horjeeda nabadda Soomaaliya”. Dowladdii Sheekh Shariif waxay kaloo dalka ka mamnuucday Bryden iyadoo u jartay warqadda “persona non grata” oo ka mamnuucaysay in Bryden, oo ku iman jiray dalka magaca diblomaasiyiinta Qaramada Midoobay, inuu dalka soo galo. Isla sannadkaasi ayuuna Bryden ka tagay shaqadii kooxda UN Monitoring Group. BRYDEN XAASKIISA Bryden waxaa u dhaxda gabar reer Somaliland ah. Wuxuu si fiican ugu hadlaa Af Soomaaliga. Wuxuu mar sheegay inuu heysto baasaboorka Somaliland maadaama uu guursaday gabar reer Somaliland ah. ERITREA Waxaa xusid mudan in warbixinnada Kooxda Monitoring Group ee Bryden iyo saaxiibadiis ay qori jireen ay daboolka ka qaaday xidhiidhka Eritrea iyo al-Shabaab iyo sida Eritrea hubka ku soo gelin jirtay gudaha Soomaaliya. RABSHADIHII BAYDHABO Jimcihii dhowaa (14kii Disembar 2018) ayaa Wargeyska Washington Post qormo uu daabacay waxay ka faalootay xaaladda cakiran ee magaalada Baydhabo iyo doorashada Koonfur Galbeed. Qoraaga qormada Max Bearak ayaa wareystay Matt Bryden. Wuxuu Bryden dhaliilay siyaasadda qasab ku maquuniska ah ee Dowladda Federaalka kula kacayso Dowlad Goboleedyada. “Ma arko hab laga wada hadlay oo looga bixi karo xaaladdan” ayuu yidhi Bryden. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted December 18, 2018 Good day for Somalia and Somali people and good job for NISA. our separatist go to person is no longer welcome to Somalia. This is man that OODWEYNE, SULDAAN and some other separatist work for. His mission is to dismantle Somalia in peaces and benefit with separatist who gave him a women. Give a credit NISA, they properly got all these emails that our separatist here were sending to him. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mourad1 Posted December 18, 2018 Bravo. Matt Bryden has been very supportive of Somaliland throughout the years, however, he can’t claim impartiality in his official position, while simultaneously heavily promoting Somaliland’s position on a private title. Be consistent for once. It is good to see that the Somali government is being more assertive toward individuals who undermine its unity or at least have ambiguous positions concerning its unity! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 19, 2018 Mat byrdendoesn't hold any position in Somaliland he was a U.N coordinator for Somalia and Eritrea file he has not killed a single Somali to say and compare him to general gabre is just wrong. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted December 19, 2018 Mowduuca muhiimadiisu waxaa weeyaan. Hablaheenii daahirka oo alle karaameeyay, in loo adeegsado ictiraaf oo gaal fadareeyo waa wax shareecada iyo dhaqanka suuban ka fog. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Old_Observer Posted December 20, 2018 Lets see what happens when Ethiopia or Eritrea to be exact starts cutting into Uganda business in Somalia. Or Eritrea gets into Kenya sphere of influence. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted December 20, 2018 41 minutes ago, Old_Observer said: Lets see what happens when Ethiopia or Eritrea to be exact starts cutting into Uganda business in Somalia. Or Eritrea gets into Kenya sphere of influence. Well, that is not gone happen. All these talks about Ethiopia and Eritera is overreaction created by Somalia government oppositions. Baydhabo is good example where they prodicted disaster but election ended peacefull and successfull. In fact much of security was done by Somali forces rather the Ethiopian. Specially Ereteria which does not have a boader with Somalia will not likely have much influence in Somalia politics. Somalia is making slowly improvements. Amison forces will be reduced gradually but will only replaced. Somali forces. The stability is slowly returning in Southern Somalia which closes the doors the need of more foreign forces. The horn reaproachment will stay more empty rethoric. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Old_Observer Posted December 20, 2018 16 minutes ago, Duufaan said: Well, that is not gone happen. All these talks about Ethiopia and Eritera is overreaction created by Somalia government oppositions. Baydhabo is good example where they prodicted disaster but election ended peacefull and successfull. In fact much of security was done by Somali forces rather the Ethiopian. Specially Ereteria which does not have a boader with Somalia will not likely have much influence in Somalia politics. Somalia is making slowly improvements. Amison forces will be reduced gradually but will only replaced. Somali forces. The stability is slowly returning in Southern Somalia which closes the doors the need of more foreign forces. The horn reaproachment will stay more empty rethoric. Uganda does not have border with Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted December 20, 2018 14 minutes ago, Old_Observer said: Uganda does not have border with Somalia. 14 minutes ago, Old_Observer said: Uganda does not have border with Somalia. Uganda was brought by the west for different time. The time has changed. The time when world geopolitical was dominated Islamic extremism is over. Uganda is not useful in Somalia anymore, same with horn African nations. The idea of open boader horn Africa will take long time. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 20, 2018 Afewerqi defenetly wants a cut of the Ugandan bussines. He has a million forces he needs to send them some where since the war with Ethiopia is over. He will use demhit TPDM to protect himself. The war on terror is long from over the war in Yemen Yemen the war in Syria. The war just got different dimension. Somalia has no army its army is Amisom. Uganda just appointed a new commander for Somalia. Isias afewerqi might not have a border with Somalia but he was involved in Mogadishu domestics politics in 2007 2008 ars ma ilooowday. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted December 20, 2018 We are new era of world order. In Syria and Afghanistan there are new developments. Americans are more or less withdrawing their forces in Syria. In Afghanistan, taliban peace plan already started. Trump already give the order to to end the Somali program in less than three years. With all that and the progress made by Somali government the foreign forces in Somalia will only decrease. There will be no money and demand for Ereterian or anybody else. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 20, 2018 America is moving out of Syria simply because putin iran and the republican guard won the war. Apart from some Kurdish fighters. Suni khaleeji sponsored jihadist was totally defeated by bashar asad forces and Ayatollah ali kheimeini. Afghanistan talks are on their way but the Afghan fighters have never been defeated. Just like in the 1980s mujahid fought .but one thing is certain America needs war It needs to keep the war going form their arm's industry as for wartorn failed Somalia jihadist control the most land in Somalia no white soldier is going to do the fighting it has to be xabashis tigre Eritrean and gallas and bantus. I don't see progress Somalia So called clan militia have yet to capture one village from shabaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted December 20, 2018 Dr.odweyne Layskuma hayo markii gaaladu xoogga saartay inay dumarka iyo caruurta naga fogaystaan dhib wayn imaanayo wayna fahamsan yihiin in tiirka asaasiga ayaga yihiin. Waa iska caadi aragtida soomaalida maanta joogta in gabar soomaaliyeed gaal guursado,sababtoo ah reer galbeedka diin iyo dhaqan kama shaqayso qof walbaa asagaa u xor ah nolashiisa Soo sidaa ma'ahan doodaadu? Haddii aan garta ku siino waxay ahayd gaalka seediga idiin noqday inuusan miiska keenin wixii gabadhu sariirta ugusoo sheegtay, wax meesha qabta ma'ahan inaan gaaladii beelaha ku dhex darsano. 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted December 21, 2018 Walaal gacaliye dr.odweyne mowduuco ma'ahan hablaheena sharafta badan inaan ku doodno ama u kala doodno Mowduucu waa gaal lala xidido oo aan laga qajilayn, si uu difaaco gooni isu taagga beesha. Inta badan waxaad kusoo celcelisaa gedo iyo gabdho la kufsaday. Walaal Nairobi ma tagtay waligaa? Adisababase? ma maqashay kuwo magafe ilmo saxaraha ugu dhalay? Awoowe kuwa ugu xigmadda badan markii la waraysto burco iyo hargaysay kasoo tahriibeen wayna hadlaan waa dad nool oo karti leh? Maxuu yahay farqiga u dhaxeeya kuwa kenyati kufsaday iyo kuwaas aan kor kusoo sheegay? Nabadda aad walaalkaa ugu fasnayso ama aqoonsiga ku doonaydo maad hablahaas ilkaha cas ku asturtid? Dumarku waa sharafta Nin kastaa oo muslina ku dhaarto, haddii aad hargaysa muqdisho iyo gedo ku xafidi wayday aakhirka waxaad sharaf u qaadansysaa ayadoo luntay inay kuu doodo ama gaal gacanta haysto, waana sida doodaada ka muuqata. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted December 23, 2018 Waa war lagu farxo, inkastoo this mercenary researcher's base is in Nayroobi and doesn't visit Soomaaliya, especdially Xamar, it is still good news. There is also another mercenary 'researcher' by the name of Rashiid Cabdi, this one a Soomaali that is also based in Nayroobi. There was one honest non-Soomaali true researcher - the late professor Michael A. Weinstein of Purdue University. His analysis were timely and partial. Quote Share this post Link to post Share on other sites