Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkada Kenya Airways oo maanta go’aan cusub kasoo saartay duulimaadyadii Muqdisho & Nairobi+Tartan adag oo ay geli la doonto….

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkada Kenya Airways oo maanta go’aan cusub kasoo saartay duulimaadyadii Muqdisho & Nairobi+Tartan adag oo ay geli la doonto….

kenya.jpg
Masuuliyiinta Shirkadda Duulimaadka ee Kenya Airways ayaa soo saaray go’aan cusub oo ay sheegeen inay ugu dambeyn go’aansadeen inay bilaabaan duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Nairobi ah.

Shirkadda ayaa labo jeer waxay hakad gelisay duulimaadyo ay toos kaga bilaabi lahaayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, waxaana la filayay inay bilaabaan duulimaadyadaasi bishii November iyo badhtamihii bishan.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa sheegay inay heshiis la galeen shirkadda ALS oo ah shirkad bixisa caymiska iyo laysamadda duulimaadyada si loo bilaabo duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Shirkadda Kenya Airways waxay sheegtay inay maalin kasta Duullimaad Toos ah Nairobi ka soo duulli doonto 1:00 Duhurnimo, waxayna Garoonka Aadan Cadde ku soo degi doontaa maalin kasta  saacaddu markay tahay 1:45 daqiiqo ee Duhurnimo, taasi oo lamid ah 45 daqiiqo kaliya inay u socon doonaan Muqdisho iyo Nairobi.

Sidoo kale Shirkadda ayaa sheegtay in duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi “Go and Back” ticket ahaan ku bixin doonaan 403 Dolar halka Bixid “Go” kaliya uu noqon doono 218 Doolar oo ah lacag ka badan diyaaradaha caadiga ah.

Shirkadda Kenya Airways ayaa Suuqa duulimaadyada taratan adag kula geli doonta Shirkadaha Ethiopian, Jabuuti iyo Turkish Airline oo hadda ka shaqeeya duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this