Deeq A. Posted December 18, 2018 Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa markiisa Labaad isku soo taagay qabashada xilka madaxtinimo ee maamulkaasi. Munaasabad uu maanta ku qabsaday Gaas, magaalada Garoowe ayuu ku sheegay in xilkan uu diyaar u yahay inuu qabto Shanta Sano ee soo aaddan. Wuxuu tilmaamay in wax badan uu qaban doono, islamarkaana uu dhammeystiri doono shaqooyin badan oo qabyo u ah. Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in haddii uu meesha ka baxo ay istaagi doonaan shaqooyin badan oo uu sheegay in hadda ay socdaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Gaas.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites