Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Musharraxiinta u Taagan Xilka Madaxweynaha Puntland Oo Olole Ballaaran Ka Wada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa waxay olole aad u ballaaran ay xilligaan ka wadaan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Waxaa magaaladaasi gaaray musharraxiin aad u badan, iyadoo musharrax walba uu fagaare ku yaalla magaaladaasi kula hadlo taageerayaashiisa.

Doorashada Puntland ayaa la filayaa iney dhacdo 8 January ee sanadka 2019, waxaana markaan u tartamaya in ka badan 20 musharrax.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana magaaladaasi oo dhan ku sugan ciidamada Puntland oo heegan ku jira.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WARIYAHA-GAROOWE.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this