Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Airways Oo Maanta Duulimaad Ka Bilaabeysa Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradda National Carrier ee Kenya Airways ayaa ugu dambeyntii waxaa ay maanta duulimaad toos ah ka bilaabeysaa gooramada min Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ilaa Aden Adde International Airport.

Duulimaadkan, waxaa ay diyaaradda ka soo kici-doontaa JKIA saacadda 1:00 pm si ay Muqdisho u timaado 1:45 pm. Waxaa la filayaa in dib uga duusho Aden Cadde 3:50 pm si ay Nairobi u tagto 5:35 pm. Diyaaraddan Embraer 145, waxaa ay qaadaa oo keliya 50 qof.

Tikit-ka oo markii hore lagu sheegay qofkii Sh42,000 ($403) ayaa waxaa laga dhigay Sh22,000 ($218).

Waxaa diyaaraddii 3aad oo dal kale ah oo Muqdisho duulimaad toos ah ka bilowda, waxaa uga horreeyey Turkish iyo Ethiopian Airlines.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this