Deeq A. Posted December 18, 2018 Afgooye ( Sh. M. Netwotk )-Maxamed Ibraahim Barre guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay duqeymo xoogan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Guddoomiye Barre ayaa sheegay in ay si u dhow ula socdaan duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee ka dhaca gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dadka shacabka ah ay la shaqeeyaan Ciidamada dowladda, kuna soo wargaliyaan goobaha ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Al Shabaab Shalay ayey aheyd markii Mareykanka uu sheegay in illaa 6 duqeymood uu ka fuliyay deegaankada Gandarshe ee gobolkaasi, kuna dilay 62 ka tirsanaa Al Shabaab. The post Guddoomiye Barre Oo ka warbixiyay duqeymaha Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites