Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka, Turkiga Iyo Iiraan Oo Ka Shiraya Xal U Helida Xaaladda Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Wasiirrada arrimaha dibadda ee Ruushka, Turkiga iyo Iiraan ayaa lagu wadaa in maanta shir ku saabsan waddanka Suuriya ay magaalada Geneva kula yeeshaan madaxda Qaramada Midoobay.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan waddanka Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa ku baaqay in kulankan si loogaga xaajoodo qabashada guddi ka soo shaqeeya dastuurka, arrintaas oo ay Qaramada Midoobay u aragto inay gundhig u tahay in Suuriya ay hesho nabad waarta.

Dalalka Ruushka,Turkiga iyo Iiraan ayaa galangal xooggan ku leh arrimaha dalka Suuriya.

Qaramada Midoobay ayaa rajaynaysa in galaangalkooda ay dalalkan u siticmaali doonaan in ay gacan ka gaystaan nabad waarta oo lagu soo dabaalo Suuriya.

Tallaabadda ugu horreysa ayaa ah in la dhiso guddi ka shaqeeya samaynta dastuurk cusub,waxaana taasi xigi doonta doorashooyiin dalkaasi laga qabto.

Dowladda Suuriya iyo mucaaradka ayaa ku heshiin waayay qaabka loo dhisayo guddigan iyo baaxadda ay tahay in dastuurka wax laga badalo.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa ku baaqay in nabad lagu soo dabaalo Suuriya.

Waxa uu de Mistura rajaynayaa in ka hor inta uusan xafiiska ka tagin dabayaaqada bishan la dhiso guddigaasi dastuurka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this