Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka kulan xalay Dhex-marau Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Xoggo Lag Helay Arrimaha Ay Ka Wada-hadleen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Faah faahin ayaa ka soo baxaya kulan saacado qaatay oo xalay dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo kulankan uu ka dhacay meel ka baxsan Madaxtooyadda.

Kulankan ayaa ahaa kii u horreeyay ee dhex mara Labada Mas’uul, tan iyo markii todobaadkii hore uu Guddoomiye Mursal ka soo guuray Madaxtooyada, waxaana jiray waan waan ay wadeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka shaqeynayay sidii Madaxda la isu keeni lahaa, hase ahaatee waxaa lagu guuldareystay in midba midka kale uu xaruntiisa ugu tago, taas ayaana keentay in meel dhex dhexaad ku kulmaan, gaar ahaan Xarunta Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday xalay saqdii dhexe qoraal soo dhigay barta Twitter-ka, kaasoo lagu sheegay inay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta Xukuumadda iyo Golaha Shacabka.

Kulanka markii uu dhamaaday labada dhinac ayaa dib ugu laabtay xarumahooda, iyadoo Guddoomiye Mursal uu dib ugu laabtay Hoyga Shabeel oo uu maalmahan deganaa, tan iyo markii uu ka soo guuray Madaxtooyada.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu hordhigay Ra’iisul Wasaaraha labo qodob oo kala ah Doorashada Koofur Galbeed in dib loo dhigo iyo in arrinta Mooshinka uu kala hadli doono Madaxweynaha, maadaama cida laga keenay uu isaga yahay.

Khilaafka ka dhashay doorashada Koofur Galbeed, xadhigga Roobow iyo Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaliyay qalalaase siyaasadeed oo sababay heer Madaxda ku kala fogaato, isla markaana Guddoomiyihii oo ahaa ninka labaad ee dalka uga sareeyay uu ka soo guuro Madaxtooyada, kaddib xayiraado la saaray markii uu qabtay Mooshinka 9-kii bishan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this