Deeq A. Posted December 18, 2018 Cabdiwali Gaas oo ku dhawaaqaya Musharax Puntland 2019 Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dhowr jeer oo hore sheegay in uusan hoggaaminta Puntland mar dambe isu soo taagayn ayaa maanta ku dhawaaqay in markale uu u tartamayo doorashada madaxtinmada Puntland ee dhaceysa 8-da Janaayo 2018. Madaxweynaha Puntland ee wakhtigu ka sii dhamaanayo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadal uu ka jeediyay xafladda ku dhawaaqida musharaxnimadiisa oo garowe ka dhacday ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaalada Puntland iyo Federaalka . Xafladda ku dhawaaqida Cabidwali Gaas ee musharax Madaxweyne 2019, ayaa xafladaha kale ee musharaxiinta kaga duwanayd in ay ka qeyb galeen qaar kamid ah isimadda soo jireenka ah ee Puntland, kuwaas oo hadalo ka jeediayay. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shanti sano ee la soo dhaafay hogaaminayay Puntland ayaa inkasta oo uu wax ka qabtay qaar kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha, hadana waxa uu ku fashilmay arimo ay kamid yihiin amniga iyo musuqmaasuqa. Dhanka amniga ayaa xukuumadda Gaas ku fashilantay in ay wax ka qabato, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo lagu dilay sanadihii la soo dhaafay dad badan oo isu jira musuuliyiin dowlad ah iyo shacab, sidoo kale waxaa qaybo kamid ah gobolka Bari marayaan in dagaalo ku dhexmaraan ururada Daacish iyo Al-shabaab. Caqabadda ugu wayn ee Cabdiwali Gaas haatan hortaagan ayaa ah, taariikh aan gayiga Soomaaliyeed horay uga dhicin, ayna adagatay in uu jabiyo, taas oo ah in Soomaalidu waligeed hoggaamiye labo goor dooran. Doorashada Puntland 2019 marka la barbar dhigo labadii doorasho ee ka horeeyey ayaa ah inay ka xamaas iyo xasarad yartahay, marka laga reebo khilaafkii madaxda sare oo ugub ahaa. PUNTLAND POST The post Cabdiwali Gaas oo ku dhawaaqay musharax Puntland 2019 appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites