Sign in to follow this  
Deeq A.

Salaad Cali Jeele “Nin qandaraasle ah inuu siyaasadda meel ku ceshado ma aqbaleyno”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi Salaad Cali Jeelle ahna lataliyaha dhanka siyaasadda madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in marnaba Shacabka Soomaaliyeed aysan aqblayn dad Qandaraaslayaal ah inay siyaasadda Soomaaliya maamulaan.

Isaga oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in shaqsiyaadka wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya inay yihiin dad qandaraaslayaal ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay sanadkaan doortaan hogaanka matalaya, maadaama dadka hadda jooga aysan shacabka dooran, balse dad wakiilo ka ah ay doorteen.

“Nin qandaraasley ah inuu siyaasadda meel ku ceshado ma aqbaleyno, Shacabka waxaa laga rabaa inay sanadkaan doortaan ruuxii matali lahaa, Dalkaan horey ayuu u soconayaa”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Sagaalkii bishaan December ayaa xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya waxay gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo sababay in guddoomiye Mursal Cadaadis kadib uu isaga guuraa aqalka Villa Somalia.

Hadalka Salaad Cali Jeelle ayaa u muuqdo mid uu ku durayo xildhibaanada baarlamaanka ee wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu horey xildhibaanada ugu eedeeyay inay qaarkood matalaan Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this