Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal Iyo Kheyre Oo Yeeshay Kulan Albaabada u Xiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan albaabada u xiran ku yeeshay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wararka aan helnay ayaa waxay sheegayaan in kulankaan looga hadlay arrimo dhowr ah, waxaana ka mid ah wadashaqeynta Labadan Mas’uul iyo sidoo kale arrimaha mooshinka.

Lama oga waxa ay isku afgarteen guddoomiye Mursal iyo Kheyre, wuxuuna kulankan imaanayaa xilli guddoomiye Mursal uu gacanta ku hayo mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this