Sign in to follow this  
Deeq A.

R/wasaare Khayre iyo guddoomiye Mursal Oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulankan oo qabsoomay xalay waqti dambe ayaa waxaa wada qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa la sheegay in uu ku soo dhamaaday is faham ku aadan dhameynta khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha sharci dajinta iyo fulinta.

Dhinaca kale warar hoose oo ay heleyso Shabelle ayaa ku warramaya in dhawaan kulan gaar ah ay wada qaadan doonaan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha BFS, si loo soo afjaro khilaafka ka taagan Golaha Shacabka.

Xaaladda siyaasadeede ee dalka ayaa muddooyinkii aheyd mid kacsan, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay Mooshin ka keeneen Madaxweyne Farmaajo.

The post R/wasaare Khayre iyo guddoomiye Mursal Oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this