Deeq A. Posted December 18, 2018 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa saaka ka socoto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Doorashada oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa la filayaa in ay dhacdo 19 bishan oo ku beegan maalinta beri ah. Guddiga doorashada K/ Galbeed ayaa wada diyaar garoqwgii ugu dmabeeyay ee doorashadaasi iyo sidoo kale diyaarinta hoolka lagu qabanayo. Dhinaca kale waxa si aad ah loo adkeeyay amaanka Baydhabo, iyadoona Ciidamo badan saaka lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Ciidamada amniga ayaa howlgallo ka bilaabay xaafado ka tirsan M/Baydhabo, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, loogana hortagayo in qal qal la galiyo doorashada K/ Galbeed. Illaa 5 Musharrax oo daneynaya qabashada hoggaanka ugu sarreeya maamulkaasi ayaa ku tartami doono doorashadaasi. The post Qaban qaabada doorashada K/ Galbeed Oo ka socota Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites