Sign in to follow this  
Deeq A.

DF & waxa Xamar ka socda ayaa shacabka ku qasbay inay aadaan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay labo qof oo reer Muqdisho ah oo garsoor u doontay kooxda Al-Shabaab.

Xukunkan ayaa qeyb ka ah dagaal ay dowladda ugu jirto inay ka hor-tagto dadka garsoorka u raadsada kooxda Al-Shabaab, oo qaarkood ka taga deegaano ay maamusho dowladda uguna taga Al-Shabaab halka ay joogaan.

Waxaa yaab leh in dowladda ay isku dayeyso inay daweyso cudur mar walba soo noqonaya balse aysan diyaar u ahayn inay dawo u hesho waxa cudurka sababa.

Maxaa dadka ku qasba inay u garsoor doontaan Al-Shabaab.

Maxkamadaha iyo garsoorka dowladda Soomaaliya waa nidaam ku shaqeeya caddaalad saldhig looga dhigay lacag. Macnaha, mar walba waxay caddaaladda la jirtaa qofka lacagta badan wata. Waa musuq-maasuq gaaray heerkii ugu xumaa.

Tusaalaha ugu weyn waxaad ka arki kartaa kiisaska la xiriira dhulalka ee maxkamadaha Muqdisho ay qaadaan. Waxaa maalin walba ayaga oo ilmaynaya oo laga hiiliyey kasoo baxa dad dhulkooda ay dhaceen dad ka lacag badan oo laaluushay garsoorayaasha dowladda.

Hadda Muqdisho waxaa ka socota sheeko la yiraahdo “warqad soo sameyso kadibna lacagtaada la imow”. Qof ayaa wuxuu warqado been ah usoo samaysanayaa dhul uusan lahayn, kadibna wuxuu lacag siinayaa garsooraha maxkamadda, oo kadib dhulkaas u ansixinaya, xitaa ayada oo warqadaha qofka dhulka dhab ahaan u leh ay yihiin kuwa saxda ah.

Garsoorka Muqdisho iyo meelaha ay maamusho dowladda wuxuu marayaa heer wixii aad lahayd, oo sharciga aad u haysatay ay gacantaada ka bixi karaan haddii aadan haysan lacag kugu filan oo aad ku laaluusho garsoorayaasha.

Al-Shabaab wax kasta oo kale ha lagu dhaliilo, balse waa ay ka caafimaad qabaan musuq maasuqa hareeyey dowladda, waana taas sababta dadka ay ugu kalsoon yihiin, uguna garsoor doontaan. Illaa hadda lama hayo kiis ay Al-Shabaab si qaldan u xukmisay ayada oo lacag laaluush ay qaaten garsoorayaashooda.

Haddii DF ay dooneyso in dadka aysan u garsoor doonan Al-Shabaab, ha siiso caddaalad, balse yaysan xabsiga dhigin markii ay Shabaabka aadaan, waayo ayadaa markii horeba ku qasabtay.

Faallada Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this