Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Sahan Research oo dalka laga mamnuucay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday hay’adda Sahan Research oo ay u jeedisay eedaymo ku saabsan waxyeellaynta amniga Qaranka ,xasiloonida iyo midnimada dalka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda oo lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in iyadoo laga duulayo xogo rasmi ah oo hay’adaha amnigu ay soo gudbiyeen shaqada laga joojiyay shirkadda Sahan Research oo sida qoraalka ku xusan uu taatan baaritaan ku socdo dembiyada loo haysto.

Sahan Research ayaa lagu amray in aysan wax shaqo ah dalka ka qaban karin inta uu socdo baaritaanka ku aaddan dembiyada loo haysto,waxaana sidoo kale dhammaam dadkii ay bah-wadaagta la’ ahaa lagu wargeliyay in aysan wax xiriir ah la samayn karin shirkaddaasi.

FB_IMG_1545073919099.jpg?resize=720%2C92

PUNTLAND POST

 

The post Hay’adda Sahan Research oo dalka laga mamnuucay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this