Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan u dhaxeeyo Mursal iyo Kheyre oo caawa socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog goor dhow nasoo gaartay ayaa sheegaysa in kulan u dhaxeeya ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal uu caawa ka socdo magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa hadda ka socdo xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare sida ilo xog ogaal ah ay inoo sheegeen. Kulanka ayaa ka dhacaya xarunta kadib markii labada dhinac is-aamini waayeen, oo midba midka kale uu diiday inuu xafiiskiisa yimaado, taasi oo dhalisay in meel dhexe la isugu yimaado.

Wasaaradda Tacliinta sare ayaa ku taalla agagaarka Zoobe.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii xal loogu heli lahaa arrimaha mooshinka, maadaama guddoonka baarlamaanka ay xal ka gareen khilaafkii u dhaxeeyay dhexdooda, waana kulankii labaad oo masuuliyiintaan dhex mara tan iyo markii mooshinka madaxweynaha uu xoogeystay.

Kheyre, ayaa maanta kasoo laabtay magaalada Doha ee dalka Qatar halkaasi oo uu ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyay.

La soco waxii kasoo baxaa kulankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this