Sign in to follow this  
Deeq A.

Sherkada Facebook Oo Xanibaad Saartay Wiilka Uu Dhalay Raysal Wasaaraha Israel.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Hargaysa) Wiil uu dhalay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay muddo 24 saacadood ah ka xannibtay ciwaankiisa uu ku leeyahay bartaasi ay bulshada ku xiriirto.

5E2021DF-228D-4096-A472-3BBC2F35C523-102Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu (L) and his son Yair visit, on March 18, 2015, the Wailing Wall in Jerusalem following his party Likud’s victory in Israel’s general election. Netanyahu swept to a stunning election victory, securing a third straight term for an Israeli leader who has deepened tensions with the Palestinians and infuriated key ally Washington. AFP PHOTO / THOMAS COEX / AFP / THOMAS COEX (Photo credit should read THOMAS COEX/AFP/Getty Images)

Go’aankaasi ayu sheegay in Facebook ay qaadatay ka dib markii uu soo daabacay mowduucyo dhowr ah oo ka dhan ah dadka Falastiiniyiinta ah iyo Muslimiinta.

Isbuucii la soo dhaafay ayey Facebook bixisay qoraal uu soo dhigay Yair Netanyahu, kaasoo uu “aargoosi ugu tilmaamay” dhimashada 2 falastiiniyiin oo ay daanta galbeed Khamiistii ku dileen askarta Israa’iil.

Waxaa sidoo kale la bixiyay qoraal kale oo wiilkaas 27 jirka ah uu ku sheegay in uu jeclaan lahaa in “dhammaan dadka muslimiinta ah ay isaga baxaan dhulka Israa’iil”.

Isagu wuxuu Facebook ku tilmaamay “Booliska la dagaallama fikradaha”. Balse shirkadda ayaa dhankeeda ku eedeysay inuu sameeyay qoraal nacayb abuuraya.

Mr Netanyahu ayaa sannadkii la soo dhaafay soo jiitay cambaareyn fara badan ka dib markii uu baraha xiriirka bulshada soo dhigay qoraallo uu ku naqdinayo qaar ka mid ah dadka dhaleeceeya aabihiis, oo uu ka mid yahay maal qabeenka lagu magacaabo George Soros.

Golaha la tacaala meel ka dhacyada loo geysto dadka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid xad gudub ah.

Waxa uu mar caro kala kulmay dadweynaha, maadaama la soo tabiyay in uu qaadi waayay saxarada eygiisa oo ku saxarooday meel aan loogu tala galin.

Maalintii Axada ahayd, Mr Netanyahu ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray hadallo uu ku muujinayay sida uu uga carooday tallaabadii ay Facebook muddo 24 saacadood ah uga xannibtay ciwaankiisa, taasoo uu ku tilmaamay “mid aan la rumeysan karin”.

Dhanka kale, bartiisa Facebook ayuu ku qoray sidan “Booliska la dagaallama fikradaha ee xag jiriinta ah ee ku sugan Facebook anigana way isoo gaareen”.

“Xamaas, Xisbullah iyo xukuumadda Iiraan waxay dhammaantood bogag rasmi ah ku leeyihiin Facebook. Waxaa sidoo kale jira qoraallo la soo dhigo Facebook oo ku baaqa burburinta Israa’iil iyo dilka dadka Yuhuudda ah. Waxaa jira kumannaan qoraal oo aniga iyo qoyskeygaba nalagu weeraray, waxaana ka mid ah kuwo hanjabaad ah iyo dilal naloogu gooddinayo”.

“Dhammaan waxyaabahan qalalaase kama aha Facebook dhankeeda”.

Af hayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa ayaa sheegay in Mr Netanyahu “uu soo daabacay hadallo nacayb abuuraya” oo ka soo hor jeeda xeerarkooda.

“Sidaas awgeed, qoraalkaas waa laga bixiyay barteenna waxaana sidaas ku sameyneynaa qoraal kasta oo noocaas ah” ayuu yiri.

Af hayeenka ayaa intaas ku daray in Facebook ay sii wadi doonto dhaqan galinta sharciyadeeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this