Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo kulan qarsoodi ah Gaarisa kula qaatay xubno ku beel ah iyo qorshe uu damacsan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmad Madoobe ayaa magalada Gaarisa oo dhacda gobalka waqooyi bari ee dalka Kenya waxa uu kulan qarsoodi ah kula  qaatay siyaasiyiinta iyo odiyasha dhaqanka ee maamulka Gaarisa isagoo kala hadlay doorashooyinka madaxtinimo ee ku soo socda maamulkiisa.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegaya in Mr Madoobe uu ka dalbanayo taageero dhan walba ah qabiilkiisa oo ku badan dalka Kenya iyo gobalka Waqooyi bari.

Doorashada madaxtnimo ee Jubbaland waxaa ka harsan waqti kooban, murashaxiin dhowr ahna wey u tartameysaa, waxaana Axmad Madoobe uu kursigiisa kaga cabsi qabaa musharaxiin gaar ah oo uu wato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo, sida uu wargeyska qoray.

Kulanka qarsoodiga ah ee dhexmaray Axmad Madoobe iyo odiyaasha Kenyan-ka ah waxa uu ku soo dhamaaday isafgarad ku aadan in dib u doorashadiisa lagu taageero.

Osman Ibrahim,  waa mid kamid ah odiyaasha ugu waa weyn Gaarisa waxa uu xaqiijiyay kulanka uu la qaatay Axmad Madoobe, laakiin wuxuu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo arrimaha doorashada ee laga wada hadlay.

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa laga howlgeliyay ciidamada Kenya sanadii 2012-kii si ay ula dagaalamaan Al shabaab, waxaana maamulka ka dhisan hadda uu yahay mid u jilcan dowladda Kenya oo la sheegay in taageero dhaqaale uu ku heysto Axmad Madoobe.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Gmail: Abdiazizh99@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this