Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib maalmo uu safar shaqo iyo booqasho rasmi ah ku tegay wadanka Qatar.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan Wasiiro ayaa wafdiga wasiirka koowaad ee xukuumadda kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu joogay Qatar waxa uu la kulmay dhiggiisa iyo Amiirka Qatar oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dawladood.
Khayre ayaa la kulmay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Qatar, Turkey, Japan iyo Kenya, waxa uuna khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qatar, isaga oo sidoo kale ka qayb galay madasha sannadlaha ah ee Dooxa.
Intii ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisu ay joogeen dalka Qatar, dawladaha Qatar iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo iyo is-afgaradyo muhiim ah, iyada oo sidoo kale laga wada hadlay heshiisyadii horay u galeen labada dawladood.
Wasiirka isgaarsiinta, dekada iyo gaadiidka dalka Qatar oo kamid ahaa mas’uuliyiintii uu ra’iisul wasaaruhu la kulmay ayaa ballan-qaaday in dhawaan la dhisayo dekadda Hobyo ee gobalka Mudug, iyada oo sidoo kale shirkadda Diyaaradaha Qatar ay shaacisay in july 2019 ay bilaabayso duulimmadyo ay uga kala gooshayso Muqdisho iyo Dooxa.

The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this