Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorka Imaraadka Iyo Madaxweynaha Eritrea Oo Kulan Ku Yeeshay Abu-dhabi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Abu-Dhabi)Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta gaadhay magaalada magaalada Abu Dhabi ee caasimadda Imaaraadka Carabta, iyadoo uu ku baaqay dhaxalsuge Maxamed Bin Zayed.

1EBF1307-25DA-4C65-BD55-44491B7B56A4-102

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga ka dhaxeeya iyo danaha ay wadaagaan.

Booqashada Madaxweynaha Eritrea uu ku tagay Abu Dhabi ayaa ku soo aaday, labo maalin kaddib markii uu ka laabtay booqasho uu ku yimid magaalada Muqdisho

Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sameystay iskaashi saddex geesood ah, iyadoo la rumeysanahay in Imaaraadka Carabta ay gadaal ka riixeyso isbaheysigaas.

Loolanka Juquraafiga siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika ayaa u muuqda mid marxalad cusub galaya, marka loo eego saameynta dalalka Khaliijka ku leeyihiin iyo doorka ay ku lahaayeen Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta is bedelada Gobolka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this