Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka sare Oo soo dhaweeyay heshiiska Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi oo maanta dib ugu soo laabtay M/Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyasadeed ee dalka.

Ugu horreyn Cabdi Xaashi C/laahi oo Warbaahinta kula hadlay gudaha Garoonka Aadan Cadde ayaa soo dhaweeyay heshiiska is Afgaradka ah oo ay gaareen xubnaha guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay dadaallada socda ee lagu dhameynayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Khilaafkan oo ah mid xoogan ayaa waxa uu ka dhashay Mooshin Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-1-jaamac.mp3

The post Aqalka sare Oo soo dhaweeyay heshiiska Golaha Shacabka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this